Ciidamada Amniga ayaa garoonka diyaaradaha Muqdishoka qabtay wasiirkii Amniga Maamulka Jubbaland C/rashiid Xasan C/nuur (Janan) oo ku sii jeeday dalka Itoobiya, waxaana warka qura oo laga hayo dowladda Somalia ee xarigiisa uu noqday qoraal kooban oo taliye ku xigeenka Booliska Somalia Zakiya Xuseen ku sheegtya in loo heysto dembiyo.
Xariga C/rashiid Janan ayaa ahaa lama filaan dhaliyey su’aalo badan iyadoo aakhirkii bishii June si qarsoodi ah ay Muqdisho ugu soo dhoweeyeen xubno ka tiran dowladda Somalia, wuxuuna maalmo dhowr ah madaxda dowladda Federaalka kala shaqeynayay qorshe ku saabasan doorashada Jubbaland oo la damacsanaa in meesha looga saaro Axmed Madoobe. [Akhriso warkan]
C/rashiid Janan waxaa safarkiisa Muqdisho ee qarsoodiga ahaa lagu soo beegay shaacinta Go’aan ka soo baxay Maxkamadda Gobolka Banaadir oo lagu baabi’iyey dacwad ay ku soo oogtay xeer ilaalinta Soomaaliya, taasoo maxakmadda ay sabab uga dhigtay inay dacwadii ka laabatay Xeer ilaalinta, waxaana xusid mudan in qoraalka xilligaasi warbaahinta loo dhiibay uu ahaa mid xilli hore lasoo saaray. [AKHRISO]
Xogta aanu helnay ayaa sheegeysa in madaxda Dowladda Somalia iyo koox madaxweyne Farmaajo ugu xil saarneyd doorshada Jubbaland ay C/rashiid Janan la galeen heshiis ku saabsan inuu ka shaqeeyo sidii meesha looga saarin lahaa Axmed Madoobe iyo ugu yaraan inuu ku lug yeesho kala bar xildhibaannada cusub ee Jubbaland, waxaana la siiyey lacag ku dhow Hal Milyan oo Doolar oo hordhac ahayd si qorshahaasi loogu fuliyo.
C/rashiid Janan ayaa dib ugu laabtay Kismaayo, waxaana dhacday inuusan fulin qandaraaskii uu ka qaatay Madaxda dowladda Somalia, isagoo Axmed Madoobe la wadaagay xogta, isla markaana ay dhacday inuu fashiliyey qorshihii dowladda Federaalka ee Doorashada Jubbaland, taasoo fursad siisay in dib loo doortay Axmed Madoobe.
Arrintan oo ay si weyn uga caroodeen madaxda dowladda Federaalka ayaa la sheegay inay ahayd sababta soo dedejisay ee ku qarsooneyd xarigiisa lama filaanka ahaa, iyadoo dib loo soo nooleeyay kiiskii hore loogu heystay, balse weli ma jirto faahfaahin ay bixisay dowladda Federaalka oo ku saabsan qaabka loo xiray, waxa lagu heysto iyo xilliga maxkamadda lasoo taagayo.