Xog ay heshay Goobjooge.com ayaa sheegeysa in Ugaaska Beesha Xawaadle uu ku soo jeedo magaalada Muqdisho, isagoo kadibna tegi doona magaalada Jowhar ee xarunta maamulka Hirshabeelle.
Isbedelka ku yimid Ugaas Xasan Ugaas Khaliif oo si weyn u mucaaradsanaa dowladda Federaalka iyo qorshaha dhismaha maamulka labada gobol ee Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe ayaa la inuu keenay markii uu culeys uga yimid beesha Caalamka.

Faragelin wakiilada beesha caalamka ku sameeyeen arrinta Ugaaska ayaa ugu danbeyn keentay in Ugaas Xasan ogolaado maamulka dhismihiisu ka socdo Jowhar iyo inuu tago magaalada Jowhar oo lagu soo xuli doono xildhibaanada Baarlamaanka labada gobol u metelaya baarlamaanka cusub ee Soomaaliya labadiisa aqal.
Ugaas Xasan ayaa codsaday martiqaad rasmi ah in loo diro arrintaas, iyadoo dowladda Federaalka ay ka gaabsatay inay dhex gasho qorshaha lagu soo xero geliyay Ugaaska Beesha Xawaadle.
Ugaaska oo markii ay hore ay la safnaayeen laba ka mida duubabka gobolka Hiiraan ayaa dhowaan waxaa ka tegay duub ka mida labadaasi Duub, waxaana arrintan loo arkaa horumar laga gaaray is mari waagii uu hogaanka u hayay Ugaas Xasan Ugaas Khaliif oo khilaaf weyn uu kala dhaxeeyay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Arrintan ayaa muujineysa doorka Beesha caalamka siiba Mareykanka ku leeyahay arrimaha Soomaaliya iyo sida Soomaalida ay uga talo qaataan ajnabiga oo aanay ixtiraam isu heynin dhexdooda iyo dowladooda.
Goobjooge.com