Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo Madaxweynaha Jubbaland ayaa shaaciyey inay heshiis ka gaareen dhammaan khilaafaadkii u dhaxeeyay dowladda Federaalka iyo maamulka Jubbaland.
Xaflad sagootin ah oo magaalada Kismaayo loogu sameeyay Ra’iisal wasaaraha ayey labada mas’uul uga dhawaaqeen heshiiska dhex maray oo ay aula tegi doonaan madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo si uu u ansixiyo.
Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa sheegay in la dhameeyey tabashooyinkii & mad-madowgii ka dhex jiray Dowladda Fderaalka Soomaaliya iyo Jubbaland kadib wadahadaladii ay magaalada Kismaayo yeesheen Ra’iisul Wasaaraha xukumadda Soomaaliya iyo Madaxda dowladda Goboleedka Jubbaland.
“Qodab waliba oo khilaafka ka jiray waan dul istaagnay annaga iyo Ra’iisal wasaarahuba, waana ka heshiinay, waxaana isku afgaranay in aan Madaxweynaha u tagno si loo dhammeeyo khilaafka” ayuu yiri Axmed Madoobe oo khudbad ka jeediyey xafladda.
Dhinaca kale Ra’iisal wasaare Kheyre ayaa sheegay in uu joogay magaalada Kismaayo ay suuragashay inuu wadahadal la yeesho Madaxweynaha Jubbaland, wuxuuna intaas ku daray: “waxaan ka wadahadalay sidii loo xoojin lahaa wadashaqaynta dowladda Soomaaliya iyo Jubbaland… Markasta oo dulduleel yimaado waxaa jirta kala aragti duwanaan laakin markasta waxaa sareeya Soomaalinimada” ayuu yiri Ra’iisal wasaare Kheyre.

Mar uu ka hadalyey heshiiska la gaaray ayuu yiri “Safarka aaan Kismaayo ku imid waxa uu ahaa Safar mira dhal ah, Madaxweynaha Jubbaland oo idinka wakiil ah waxaan ballan qaadeyaa in aan wada shaqayn doono, aniga iyo Madaxweynaha Jubbaland waxaan u wada tagi doonnaa Madaxweynaha Soomaaliya halkaas oo lagu dhamayn doono inta dhiman..”
Heshiiska Axmed Madoobe iyo dowladda Soomaaliya oo aan la shaacin ayaa u muuqda in loo baahday kaalin uu ku yeesho madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo oo jooge-maqan ka ahaa wadahadalka labada dhinac.
