Wednesday, July 2, 2025

Koox hubeysan oo magaalada Beledweyne ku dishay Guddoomiyihii Dhalinyarada Gobolka iyo…

Wararka laga helayo magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in caawa magaaladasi lagu dilay mas’uulkii Gobolka ee dhlainyarrada.

Koox hubeysan ayaa la sheegay inay caawa fiidkii magaalada Baledweyne ku dileen guddoomiyihi Dhallinyarada Gobolka Hiiraan Faarax Cabdi Cali (Faarax Diir), wuxuuna dilka ka dhacay Maqaayad ku taalla xaafada Xaawo Taako, gaar ahaan laanta Nuurxawaad.

Dableyda falkan dilka ah geysatay ayaa sidoo kale islagoobta ku dhaawacday sadex qof oo kale oo shacab ahaa, waaana meyda iyo dhaawaca la geeyay isbitaalka magaalada Baledweyne iyo goobo oo kale.

Warka ayaa sheegaya in kooxdii dilka geeysatay ay goobta ka baxsadeen, iyado markii danbena ay tageen halkaasi ciidamada Amniga.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON