Tuesday, July 1, 2025

Kursi Saddex Degaan Doorasho isaga gudbay iyo Xildhibaan Caan ah oo markii Afraad kusoo baxay

Waxaa maanta magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Galmudug ka dhacday Doorasho kursiga tirsigiisu yahay HOP104, kaasoo ah kursiga ugu wareejinta badan ee saddex degaan doorasho isu maray.

Doorashada maanta ka dhacday xarunta INJ ee magaalada Dhuusamareeb waxaa ku tartamay Mahad Cabdala Cawad oo ahaa guddoomiye ku xigeenkii Baarlamaanka 10-aad oo helay 84 cod iyo Shukri Cali Faarax oo aan wax cod ah helin, waxaana halaabay 17 cod.

Natiijada uu kusoo baxay Xildhibaan Mahad Cabdala Cawad waxay ahayd mid lasii ogaa, iyadoo uu kursigan ku fadhiyey muddo 20 sano ah, waxaana kursiga uu ahaa mid loo xiray, iyadoo ay kala shaqeeyeen Madaxdooyada Galmudug iyo Villa Somalia.

Kursiga HOP104 ayaa markii ugu horeysay doorashadii 2016 lagu qoray degaan Doorashada Puntland, balse Mahad Cawad ayaa u wareejiyey magaalada Cadaado, laakiin arrimo amni ayuu sheegay inuu haddana dib uga wareejiyey iyadoo lagu doortay magaalada Muqdisho.

Doorashadan wuxuu mar kale u wareejiyey kursiga magaalada Dhuusamareeb, halkaasoo oo maanta uu kusoo baxay xildhibaan ka mida Baarlamaanka 11-aad.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON