La taliyaha Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee arrimaha Doorashooyinka, Cabdi Cali Raage ayaa maanta uu gaaray magaalada Kismaayo.
Cabdi Raage oo dhinac kale ah musharax u taagan xilka xildhibaab ka tirsan Baarlamaanka ayaa hore maamulka maamulka Jubaland uga soo celiyeen Garoonka Kismaayo, markii Diyaaradii uu la socday loo diiday inay ku degto Garoonka Sayid Mohamed ee magaalada Kismaayo.
Tegista Musharax Cabdi Raage oo saaxiib dhow la ah Maxamed Farmaajo ee magaalada Kismaayo ayaa imaaneysa, iyadoo Ra’iisal wasaare Maxamed Xuseen Rooble xilkii ka qaaday madixii shaqaalaha Hay’adda NISA oo Gobolka ka hor istaagay Guddoomiyihii hore ee Gobolka Gedo.
