Saturday, July 5, 2025

Laba Nin oo ka mida Gaadiidleyda Gobollada Dhexe oo lagu dilay Muqdisho iyo Alshabaab…

Dabley Bistoolado ku hubeysan ayaa fal dil khaarijin ah ka fuliyey magaalada Muqdisho, iyadoo beegsaday laba nin oo ka mdia Gadiidleyda Gobollada Dhexe oo ka soo jeeda degmada Cadaado ee Gobolka Galgaduud.

Weerarka oo ka dhacay Galabta agagaarka Masjidka Cali Xareed ee Isgoyska Baar Ubax ayaa waxaa lagu dilay Cabdi Saytuun Maxamed iyo Kowte Faarax Jimcaale, kadib weerar mar qura dhacay oo koox dabley ah ay ku beegsatay, kadibna goobta ka baxsadeen.

Alshabaab ayaa muddooyinkii danbe si gaara u beegsaneysay nabadoonnada, ganacstada iyo dadka kasoo jeeda degmada Cadaado ee gobolka Galgaduud, kadib dagaallo culus oo beeshaasi la gashay kooxda.

Dilka labadan nin ee Gaadiidleyda ah ayaa imaanaya iyadoo 24-kii saac ee ugu danbeey ay Alshabaab kordhisay dilalka qorsheysan ee ay ka fulineyso Magaalada Muqdisho xilli dagaalo culus ay uga socdaan Gobollada Galgaduud, Hiiraan iyo Sh/Dhexe.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON