Wednesday, June 25, 2025

Lafta-gareen miyaa diiday in Amniga Dalka lagu wareejiyo RW Rooble..? (Jawaab ka timid Afhayeenkiisa)

Warar laga helay shirka maalintii afraad magaalada Muqdisho uga socda Golaha Wadatashiga Qaran ayaa sheegay in dood kulul ka dhex socoto madaxda Maamul Goboleedyada iyo Ra’iisal wasaare Rooble.

Qodobka ugu adag ayaa aha Amniga dalka lagu wareejiyo Ra’iisal wasaare Maxamed Xuseen Rooble, arrintaas oo uu si weyn uga hor yimid Madaxwenaha K/Galbeed C/casiis Xasan Laftagareen oo taageero ka heysta madaxweynaha Galmudug Axmed Qoorqoor.

Waxaa arrintan si weyn u beeniyay afhayeenka madaxweynaha K/Galbeed Maxamed Cali Ibrahim oo ku tilmaamay been abuur. “Waxaan halkan ka cadeeyanayaa inay been abuur tahay wararka sheegaya in Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen uu diidan yahay in laga hadlo Qodobka Amniga waa been abuur cad laguna doonayo in lagu marin habaabiyo Bulshada Soomaaliyeed”

Dhinaca kale Afhayeenka xukuumadda Maxamed Ibrahaim Maxalimuu ayaa sheegay in Shirka Gollaha Wadatashiga Qaran oo galay maalinkii 4aad, ay socdaan doodo adag oo ay Madaxdu ka yeelanayaan qodobo quseeya hufnaanta doorashada iyo amniga.

“Dadka baraha bulshada xumaanta ku warinaya ee la wareegaya wararka dhiilada xambaarsan ee xaqiiqda ka fog waxa wanaagsanaan laheyd in dalka iyo dadkaba ay u rajeeyaan wax wanaagsan” ayuu yiri Afhayeenka oo ka gaabsaday arrimaha la isku hayo iyo mowqifyada madaxda Golaha Wadatashiga.

Madaxweynayaasha Galmudug iyo K/Galbeed ayaa taageersan madaxweynihii xilkiisu dhammaaday ee Maxamed C/llaahi Farmaajo, waxaana la sheegay inay shirka ku metalayaan oo laga hagayo Madaxtooyada oo dooneysa in shirkan lagu kala tago oo wax natiijo ah aanay kasoo bixin.

Madaxweynaha Puntland oo taageero ka helaya madaxweynaha Jubbaland ayaa taageeraya in Amniga dalka uu mas’uul ka yahay Ra’iisal wasaaraha, waxaana laba dhinac ee ay u kala qeybsan yihiin Golaha ay hayad mid soo taagneyd ilaa April sanadkii hore.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON