Guddiga Doorasada Hirshabeelle ayaa soo saray Liiska kuraasta 13 Kursi oo ka mida Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka, kuwaas oo lagu dooranayo magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan.
Kuraastan waxaa hore ugu fadhiyey xubno ka mida Golaha wasirada xukuumadda xilgarsiinta, iyo wasiiro hore, waxaana xiiso leh inuu ku jiro kursiga isha lagu wada hayo ee uu doonayo inuu soo qaato Agaasimihii hore ee NISA Fahad Yaasiin oo uu hadda ku fadhiyo Xildhibaan Faarax Sheekh C/qaadir.
Xildhibaannada ku fadhiye kuraasta la shaaciyey in doorashadooda ka dhaceyso Beledweyne ayaa la filayaa inaysan intooda badan soo laaban, waxayna kala yihiin:
HOP#003: Waxa ku fadhiyey Maxamed Cabdiraxmaan Sheekh Beenebeene.
HOP#006: waxaa ku fadhiyey Baarlamaanka 10-aad Maxamed Cabdullaahi Axmed
HOP#008: Waxaa xilligan ku fadhiyey Dr Xuseen Cabdi Cilmi
HOP#015: waxaa ku fadhiyey Baarlamaanka 10-aad Xiis Xasan Aadan
HOP#022: Waxaa ku fadhiyey Cismaan Maxamed Cabdi (Daallo)
HOP#031: waxaa ku fadhiyey Baarlamaanka 10-aad Yuusuf Xuseen Axmed
HOP#032: waxaa ku fadhiyey Baarlamaanka 10-aad Khaliif Cabdi Cumar
HOP#068: waxaa ku fadhiyey Baarlamaankii 10-aad Faadumo Faarax Ibraahim
HOP#074: waxaa ku fadhiyey 10-aad Cabdullaahi Colaad Rooble
HOP#086: Waxaa ku fadhiyey Faarax Sheekh Cabduqaadir
HOP#109: waxaa ku fadhiyey Baarlamaanka 10-aad Cabdifitaax Qaasim Maxamuud
HOP#252: Waxaa hadda ku fadhiya Cabdicasiis Saalax Carmaan
HOP#274: waxaa ku fadhiyey Baarlamaankii 10-aad Maxamed Cabdullaahi Xasan Nuux.
