Sunday, July 13, 2025

Lix Xildhibaan oo maanta lagu dooranayo Kismaayo iyo Magacyada 12 Musharax oo ku tartamaya

Waxaa magaalada Kismaayo maanta ka dhaceysa doorashada lix kursi oo ka mida Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka 11-aad.

Doorashadan ayaa iska soo socota xilli hubanti la’aan iyo xaalad kacsan ay ka jirto Madaxtooyada Soomaaliya, isla markaana kala qeybsan yahay Guddiyada Doorashada Heer Federaal.

Guddiga Doorashada Jubbaland ayaa ku socda inuu xaaladan ku qabto doorashada lix kursi oo ay ku tartamayaan Musharixiin la diiwaan geliyay oo la siiyay shahaadda musharaxninada, kuwaas oo kala ah:

HOP203: waxaa u sharxan oo ku tartami doona: Xamse Cabdi Barre (Guddoomiyihii Guddiga doorashooyinka Jubbaland) iyo Axmed Maxamed Maxamuud.

HOP108: waxaa ku tartamaya Musharax Maxamed Cali Cumar iyo Musharax Ibraahim Cabdulle Ibraahim

HOP113: waxaa u sharxan: Saynab Cali Muganga iyo Maryan Aweys Jaamac oo ah Wasiirka Dekadaha Soomaaliya Xukuumadda Federaalka.

HOP134: waxaa ku tartamaya Sahra Jaamac Cali iyo Fartuun Axmed Yuusuf

HOP082 :waxaa u taagan Musharax Siyaad Aadan Iidle iyo Musharax Cabdirashiid Jire Qalinle

HOP217: Waxaa ku tartamaya mushariixinta kala ah: Xasan Cabdi Ismaaciil Xasan Yare iyo
Maxamed Faarax Muxumed.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON