Monday, June 23, 2025

Maamul Goboleedyo soo afjaray Doorashadii Golaha Shacabka iyo xubno kasoo baxay Gaalkacyo

Maamul Goboleedyada Koonfur Galbeed iyo Galmudug aya soo afjaray doorashadii xildhibaannada Golaha shacabka Doorashadii 2022 oo muddo dheer dib u dhacday.

Magaalooyinka Baydhaba iyo Gaalkacyo ayaa lagu doortay xildhibaanadii ugu danbeeyay ee labada maamul laga soo doorto, waxaana maanta 15 Marso 2022 ku ekaa mudaddii ugu danbeysay ee Golaha Wadatashiga Qaran u qabteen in lagu dhammeeyo Doorashada Golaha Shacabka.

Baydhaba waxaa kasoo baxay maanta 7 kursi oo midkood uu sharci darro ka dhigay Guddiga Doorashada heer Federaal ee FEIT, halka Gaalkacyo laga soo saaray 3 xildhiban oo kala ah;

Ad

1- Sahro Colaad Cabdi ayaa kusoo baxday kursiga tirsigiisu yahay HOP#018 ee golaha shacabka BJFS oo doorashadiisu maanta ka qabsoontay magaalada Gaalkacyo. Sahra ayaa ah xaaska Jen. Bashiir Goobe, waxaana kursigan hore ugu fadhiyey Qaasim Maxamed Jamac oo la dhashay Jen. Bashiir Goobe.

2- Xuseen Axmed Culusow ayaa kusoo baxay kursiga HOP#021 ee Golaha Shacabka. Waxaa hore kursiga ugu fadhiday Maryam Haji Abdi Gedi.

3- Shamso Cilmi Xassan ayaa kusoo baxday kursiga tirsigiisu yahay HOP#020 ee Golaha Shacabka BJFS, iyadoo uu hore ugu fadhiyey Cali Axmed Sharif, waxaana qoonde loogu bedelay si looga hor istaago Jeneraal Indha-qarshe.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON