Thursday, June 26, 2025

Maamullada Galmudug & Ahlu suna oo Heshiis Cusub ku saxiixanaya Madaxtooyada Somalia [Akhriso]

Maamullada Galmudug iyo Ahlu suna oo dhowaan heshiis ku gaaray dalka Jabuuti, kaasoo ay qabanqaabisay IGAD ayaa maanta heshiis guud ku saxiixanaya xaflad ka dhaceysa madaxtooyada Soomaaliya ee magaalada Muqdisho.

Madaxweyne Farmaajo ayaa marti gelinaya xafladda oo ay sidoo kale ka qeb geli doonaan madaxda maamul goboleedyada iyo hoggaamiyeyaasha labada maamul ee heshiisku dhex marayo, waxaana lagu tilmaamay dhameystir heshiiska labada dhinac ay dhex dhigtay IGAD.

Dowladda Soomaaliya ayaa horaanti sanadkan ku guuldarreystay inay heshiis ka dhex dhaliso labadan maamul markii ay kulamo isaga dab qaaday ka dhaceen caasimadda Muqdisho.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf iyo Madaxweynaha Maamulka Ahlusunna Sheekh Maxamed Shaakir iyo Hogaamiyaha Guud ee Maamulkaasi Macalin Maxamuud Sheekh Xasan ayaa qalinka ku duugi doono heshiiska awood qeybsiga labada dhinac.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON