Wednesday, July 9, 2025

Madaxda Dowladda Soomaaliya oo Hambalyada Bilashada Bisha Ramadaan u diray Shacabka. (Daawo)

Madaxweynaha iyo Ra’iisal wasaaraha ayaa umadda Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay dhalashada bisha Ramadaan ee Berri ka bilaabaneysada dalka, iyagoo farriimo kasoo diray magaalada Garowe oo uu shir uga socdo madaxda dowladda iyo dowlad Goboleedyada.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ugu hambalyeeyay dadka Muslimiinta ah, gaar ahaan shacabka Soomaaliyeed bilashada bisha barakaysan ee Ramadaan, ayaa kula dardaarmay in ay adkeeyaan walaaltinimadooda, taakuleeyaan dadka danyarta ah, lana shaqeeyaan laamaha amniga.

Dhinaca kale Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa ummadda Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay bilashada Bisha barakaysan ee Ramadaan. “Waxaan dhammaan shacabka muslimiinta ah gaar ahaan shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeynaayaa bilaawga bisha barakaysan ee Ramadaan. Waxaan leeyahay Ilaahay ha idiin dhib yareeyo Ramadaanka”, ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xasan Cali.

HOOS KA DAAWO

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON