Madaxda maamulka Gobolka Banaadir ayaa ka badbaaday weerar qaraxyo is-miidaamin ah iyo toos ah oo Alshabaab ku qaadeen Xarunta Gobolka Banaadir.
Gudoomiye ku xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda, hana ku-simaha Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ciise Guure ayaa qoraal uu soo saara ku yiri: “Alle ayaa Mahad oo dhan u sugnaatay Dhamaan gudoonka Sare ee gobolka Banaadir waa nabad qabaan. Dhibka Dhacay alle ha yasiro”.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa la sheegay inuu safar uga maqan yahay Muqdisho, waxaana inta badan xarunta laga badbaadiyey shaqaalaha iyo mas’uuliyiinta ku sugnaa xarunta.
Rasaas ayaa laga maqlayaa xarunta Gobolka Banaadir, iyadoo la xiray wadooyinka gala xarunta Gobolka Banaadir, ilsa markaana lagu kala cararray Suuqa weyn ee Xamarweyne.
