Madaxtooyada K/Galbeed ayaa beenisay qoraal lagu faafiyey baraha bulshada oo lagu sheegay inay Madaxweynaha maamulkaasi uu caddeeyay inuusan qaban doonin Doorasho aan loo dhammeyn.
Qoraalka lagu faafiyey baraha bulshada ayaa lagu sheegay in Maamulka Koofur Galbeed aanu qaban doonin doorasho aan raali laga wada ahayn, kana laa btay go’aankii xukuumadda ee ahayd in Doorasho la aado.
War kooban oo kaasoo baxay Madaxtooyada K/Galbeed ayaa lagu caddeeyay inaysan waxba ka jirin qoraalkaasi oo uu yaay mid la been abuuray. Waxay beeninta ka dhigan tahay inay K/Galbeed qaban doono doorasha Aqalka Sare.
Qoraalka been abuurka ah hoos akhriso
