Madaxtooyada Soomaaliya ayaa shaacisay in Ururrada Bulshada Rayidka ah ay u shegeen Madaxweyne Farmaajo inay inay rabaan Doorasho Qof iyo Cod ah oo dalka ka dhacda, iyagoo muujiyey inay qorshahaas ku garab taagan yihiin Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka Qaranka.
Hadalkan ayey madaxtooyada Soomaaliya ku shaacisay War-saxaafadeed ay kasoo saartay kulan ay la yeesheen madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Hoggaanka Ururrada Bulshada Rayidka ah oo ka dhacay magaalada Dhuusamareeb.
Qoraalka Madaxtooyada baahisay ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Farmaao uu ka warbixiyey hannaanka geedi socodka siyaasadeed ee dalka, dadaallada xasilinta dowladnimada iyo sii-amba-qaadidda qorshaha Qaran ee qabsoomidda doorasho daah-furan.
Waxaa kaloo lagu sheegay in Madaxweynaha uu ku ammaanay Ururrada Bulshada Rayidka ah sida ay ugu hanweyn yihiin in ay soo bandhigaan aragtidooda ku wajahan hannaanka doorashooyinka dalka.
“Dhankooda, Ururrada Bulshada Rayidka ah ayaa la wadaagay Madaxweynaha rabitaankooda ku aaddan doorasho qof iyo cod ah oo dalka ka hana qaadda, waxa ayna muujiyeen in ay qorshahaas ku garab taagan yihiin Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka Qaranka..” ayaa ka mid ahaa War-saxaafadeedka Madaxtooyada.
Dhinaca kale Guddoomiyaha Ururada Bulshada rayidka Tahliil Shaatax ayaa beeniyay warka ay faafisay Madaxtooyada Soomaaliya.






