Wednesday, July 9, 2025

Madaxtooyada Soomaaliya oo shaacisay farriimo ay u guddoontay Madaxweynaha cusub

Madaxtooyada Qaranka ayaa shaacisay inay dhambaallo hambalyo ah u guddoontay Madaxweynaha cusub ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Hambalyada ayaa ahayd guusha uu ka gaaray doorashadii Madaxtinimada ee ku qabsoomtay Muqdisho 15-kii bishan.

Dalal dhowr ah ayaa Madaxweyne Xasan Sheekh u muujiyey sida ay uga go’an tahay in ay sii xoojiyaan xiriirka diblomaasiyadeed ee kala dhaxeeya Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, dowlad iyo shacab.; waxayna kala yihiin:

Boqortooyada Sucuudi Carabiya, Amiirka Qatar, Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku-xigeenka dowladda Imaaraatka Carabta, Dowladda Turkiga, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Amiirka iyo dhaxal sugaha dalka Kuweyt, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Shacbiga Shiinaha, Dowladaha Maraykanka iyo Ingiriiska, Saldanadda Cumaan iyo dalalka kale oo badan.

Sidoo kale, waxaa Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud hambalyo u soo diray Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey Mudane António Guterres, Madaxweynaha Midowga Afrika Mudane Moussa Faki Mahamat, Madaxa Urur Goboleedka IGAD Mudane Workneh Gebeyehu iyo Midowga Yurub oo dhammaantood muujiyey sida ay uga go’an tahay in ay si dhow ula shaqeeyaan Madaxweynaha la doortay.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON