Waxaa fiidkii caawa magaalada Asmara ee dalka Eritrea ka degay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayey oo kasoo laabtay dalka Shiinaha.
Waxaa la yaab lahayd in garoonka diyaaradaha ee magaalada Asmara ay wadajir ugu soo dhoweeyeen Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki iyo Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed, taasoo ahayd maamuus lama filaan ah oo madaxweyne Farmaajo loo sameeyay.
Wafdiga Madaxweyne Farmaajo ayaa saacadu maray ahayd 7:00 fiidnimo Caawa ka degay magaalada Asmara, wuxuuna ka qeyb geli doonaa shir madaxeed saddex geesood ah oo Itoobiya Eritrea iyo Soomaaliya ku dhex mari doona caasimadda Asmara.