Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa la sheegay inuu ka qeyb galayo caleemo-saarka Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.
Sida uu qoray Wargeysta Economist oo xigtay ilo diblomaasiyadeed Uhuru Kenyatta ayaa ka mida madaxda ka qeyb galeysa caleemo saarka Xasan Sheekh Maxamuud oo markii labaad loo caleemo saarayo xilka Madaxweynaha Soomaaliya 9 June 2022.
Xiriirka Somaliya iyo Kenya ayaa si weyn u xumaaday xilligii madaxweynihii hore Maxamed C/llaahi Farmaajo oo Kenya u aragtay caddow, waxaana mar labaad soo hagaagay xiriirka Dowladda Somaliya iyo dalalka Kenya iyo Imaaraadka Carabta oo ka mida dalalkii uu sida weyn u xumaaday xiriirka ay la leeyihiin Soomaaliya.
Caleemo-saarka Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sidoo kale waxaa la filayaa inay ka qeyb galaan madaxda dalalka Geeska Afrika iyo wakiilo ka socda Beesha Caalamka.