Qoraal uu madaxweynaha Mareykanka Donald Trump soo dhigay bartiisa twitterka ayaa keenay dood iyo qaraaxo wada socda kadib markii uu khaldan qoraalka magaca dalka Somalia.
Trump ayaa qoraalkiisa uga hadlay dhimasho iyo dhaawac askar Mareykan ah loogu geystay Soomaaliya, isagoo tacsi u diray askarigii ka dhintay Mareykanka, isla markaana ciidamadiisa jooga ku tilmaamay inay yihiin Geesiyaal.
Arrinta dadka soo jiidatay ayaa ahyad in Madaxweyne Trump uu khalday qoraalka magaca Somalia, isagoo u qoray: SOMOLIA” taasoo keentay in si weyn loogu maadsado lana weydiiyo inuusan xitaa garaneynin magaca dalka uu u diray ciidamada Mareykanka ee ay ku dhimanayaan.
QORAALKII HORE EE KHALDANAA
QORAALKII LA SAXAY
Trump ayaa dhowr saacadood kadib dib u saxay qoraalkaasi oo mar kale soo geliyay iyadoo magaca Somalia uu sax yahay, iyadoo qoraalkii hore uu meesha ka saaray, waxayna arrintaasi noqotay mid si weyn looga hadal hayey barta twitter-ka ee uu adeegsado madaxweynaha Mareykanka.
Hore ayuu madaxweyne Trump u khalday magacyada dalal dhowr ah oo qoraalkooda uu bedelay, taasoo loo aaneynayo inuusan hore u ahayn siyaasi oo aanu aqoon badan u lahayn dalalka dunida.