Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump safiir cusub u soo magacaabay dalka Soomaaliya, iyadoo muddo bilo ah uu xilkaasi bannaanaa, kadib markii uu is casilay safiirkii hore.
Ambassador Donald Yukio Yamamoto ayaa loo magacaabay inuu noqdo Safiirka Cusub ee Mareykanaka u fadhin doono Somalia. Ambassador Donald Yamamoto ahaa ah diblomaasi weyn oo oo 65- sano jir, wuxuuna howlaha Diplomaasiyadda ku soo biiray sannadkii 1980-kii waxa uu haatan Madax ka yahay Waaxda Wasaaradda Arrimaha Dibedda Maraykanka ugu qaabilsan Qaaradda Afrika.
Danjire Donald Yamamoto oo noqonaya Danjirihii 14-aad ee Maraykanka u jooga Somalia Waxa uu horey u soo ahaa Danjirihii Maraykanka u joogay dalka Jabuuti sannadihii 2000 ilaa 2003-dii. Waxa kale oo uu Danjire ka soo noqday dalka Ethiopia muddadii u dhexeysay 2006-dii ilaa 2007-dii.
Ambassador Donald Yukio Yamamoto waxa kale oo uu Danjire Ku-meel-gaar ah ka soo noqday dalka Eritrea sannadihii 1997-dii ilaa 1998-dii. Ambassador-ka waxa uu Sanadkii 2016-kii ahaa howl fuliyaha Xafiiska ergada Dublumaasiyiinta Mareykanka u jooga Soomaaliya.
Magacaabistiisa ayaa timid, iyadoo uu Danjirihii hore ee Maraykanka u joogay Somalia, Stephen Schwartz iska casilay Xilkaasi bishii September 29-dii ee sannadkii hore sababo isaga u khaas ahayd.
Safiirka cusub ayaa u baahan ansixinta koongareeska Mareykanka inta aanu howlgelin, iyadoo la filayo inay ansixiyaan Golaha Koongareeska Mareykanka.