Monday, July 14, 2025

Madaxweynaha, Ra’iisal wasaaraha & Wasiirada magacaaban oo go’aan culus ka qaatay Qoraalkii Jawaari

Kulan gaar ah oo xalay xarunt madaxtooyada ku dhex maray madaxweynaha, Ra’iisal wasaaraha iyo wasiirada magacaaban ayaa lagu go’aamiyay sida loo wajahayo kalsoonida xukuumadda cusub.

Madaxweyne Maxamed C/laahi Farmaajo iyo Ra’iisal Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa kulankan ku sugnaa, waxaana lagu casuumay guddoomiyaha Baaralamaanka Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) oo la sheegay inuu ka cudurdaartay.

Kulanka oo looga hadlayay talo soo jeedinta ka timid xildhibaano Baarlamaanka qaarkood iyo Guddoomiye Jawaari oo qoraal soo gaarsiiyay Ra’iisal wasaaraha ayaa lagu go’aamiyay in xukuumadda la horgeeyo Baarlamaanka iyadoo aan wax isbedel ah lagu sameynin.

Wasiirada magacaaban ayaa sheegay inay heystaan codad ku filan oo kalsooni ku heli karto xukuumadda cusub, laakiin waxaa wasiir kasta loo sheegay in laga rabo codad uu ka helo Baarlamaanka dhexdiisa.

Go’aankan ayaa ahaa mid uu hore u qaatay Ra’iisal wasaare Kheyre, oo la sheegay inuu aqbalay talo soo jeedinta xildhibaanada, balse marka hore ay tahay in Baarlamaanku ansixiyo Golihiisa wasiirada.

105 Xildhibaan, ayaa Guddoonka Baarlamaanka u gudbiyay in Ra’iisal Wasaaraha Somaliya uu dib ugu noqdo magacaabista Golaha Wasiirada.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON