Monday, June 23, 2025

Madaxweynaha Turkiga: “Allaha u naxariisto walaalkeen Maxamed Mursi, waa Shahiid taariikhda galay…”

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa ka hadlay geerida madaxweynihii hore ee Masar Maxamed Mursi oo maanta ku geeriyooday maxkamad ku socotay magaalada Qaahira ee dalka Masar.

Madaxweynaha Turkiga oo saaxiib dhow la ahaa Maxamed Mursi ayaa markii ay soo gaartay geeridiisa wuxuu yiri: “Allaha u naxariisto walaalkeen Mursi, wuxuu ahaa shahiid taariikhda ku galay sida uu ugu soo halgamay dimoqraadiyadda.. wuxuu shan sano ka badan ku jiray xabsi dulmi ah… wuxuu xukunka ku yimid doorasho dimoqraadi ah.., Daalimka C/fataax Siisi ayaa afgembi xukunta ugala wareegay, isagoo laayey laayey 50 qof..”

Waxaa kaloo geerida Maxamed Mursi ka hadlay Amiirka dalka Qatar oo farriin uu soo dhigay bartiisa twitter-ka ku yiri: “Waxaa nasoo gaaray geerida lama filaanka ah ee madaxweynihii hore Masar Dr. Maxamed Mursi… Waxaan tacsi u dirayaa qoyskiisa iyo shacabka aanu walaalaha nahay ee Masar..”

Ad

Dalalka Turkiga iyo Qatar ayaa taageero siiyey madaxweynaha hore ee Masar Maxamed Mursi iyo ururkiisa Akhwaanul muslimiin, waxayna ilaa iminka taageeraan ururka Akhwaanka, iyagoo noqday dalalkii ugu horeeyay ee ka hadlay geerida madaxweynihii hore ee Masar Maxamed Mursi.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON