Tuesday, June 24, 2025

Madaxweyne C/weli Gaas oo si diiran loogu soo dhoweeyay Koonfurta Gaalkacyo, Khudbad qiiro lehna jeediyay [Sawirro]

Madaxweynaha Puntland C/weli Maxamed Cali (Gaas) ayaa maanta tegay dhinaca Koonfureed ee magaalada Gaalkacyo, halkaasoo ay ku soo dhoweeyeen mas’uuliyiin iyo dadweynaha Galmudug.

Madaxweyne Gaas ka qayb galay kulan ahaa is dhex galka bulshada magaalada Gaalkacyo, waxaana kusoo dhoweeyay dhinaca Galmudug Masuuliyiin katirsan Golayaasha Maamulka Galmudug, Talisika ciidamada mamulkaasi, saraakiil katirsan Madaxtooyada Galmudug, Odayaal dhaqan, waxgarad, aqoonyahano, iyo qaybaha kala duwan ee bulshada maamulkaasi.

Madaxweynaha Puntland ayaa kulan la qaatay ciidamada isku dhafka ee Magaalada Gaalkacayo, saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga dalka iyo qeybaha kala duwan ee ee bulshada Koonfurta Galaakacayo.

Khudbad qiiro leh oo uu jeediyey C/weli Gaas ayaa waxaa ka mid ahaa: “Waxaan ka mahadcelinayaa soo dhowanynta wanaagsan ee walaaltinimada leh iyo dareenka wanaagsan ee aad maanta nagu soo dhawaayseen, waxaan aad ugu mahadcelinayaa intii wanaagaan kasoo shaqaysay sida maamulka degmada, maamulka Gobolka, dhalinyarada, haweenka, waxgaradka, taliyayaasha ciidamada, iyo intii kale oo kaqayb qaadatay wanaaga badan ee aan ujeedno maanta, una dhabar adaygay hawshaan adag, runtii waan jeclaa in aan imaado intii uu joogay madaxwayne Axmed Ducaale Xaaf, laakiin duruufo kale ayaan ii saamixin in aan imaado waan rajaynayaa markale in aan gobolka isugu nimaadno saan ku balansanahay, si nabadda Gaalkacayo usal dhigato, uwaarto dadkanina ay wanaag iyo walaaltinimo kuwada noolaadan ayaan rajaynaynaa, nabada Gaalkacayo marka hore Gaalkacayo ayay mihiim utahay, wanaag iyo qurux utahay, waxay horseed unoqonaysaa sidoo kale nabadda soomaaliyeed, maata waxaa ii muuqada bisayl aad ubadan waxaan rajaynayaa in bisaylkaasi uu yahay mid dhab ah, dadka reer Gaalkacayo ma tihidin dad meel kala aadaya oo kala guuraya waxaa tihiin dad ehel ah oo aan kala maarmin, maanta waxaa jira cadaw Somaaliya dhib wayn kuhaya inaga oo dhan aan inakala aqoon oo aan cidna dhaafayn oo dhibaato wayn soomaaliya kuhaya oo Dawladnimadeena, wanaageena, qaranimadeena, hortaagan oo kashaqaynaya sidii ay inoo dhibi lahaayeen iyaguna u guulaysan lahaayeen, markaa wa in aan gacmaha isqabsanaa cadwgeena halmeel uga soo wada jeesanaa dhammaanteen oo goboladeena ay dhibka kuhayaan aynu si wada jir ah uga xoraysano ayaa layna karaabaa, waxaan rabaa marka in aan kahadlo ciidankan isku dhafka ah, waxaa loo sameeyay in ay wanaag soo kordhiyaan in ay nabad soo kordhiyaan in ay magaalada horumarkeeda ka shaqeeyaan, wixi ka dhiman oo imkaaniyaad ah wixii aan u awoodno sida ugu wanagsan ayaan isgu dayaynaa in aanu u hawl galno”. ayuu yiri Madaxweynaha dawladda Puntland.

DAAWO SAWIRRO    

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON