Friday, June 27, 2025

Madaxweyne Donald Trump oo War kasoo saaray Askari Mareykanka looga dilay Soomaaliya [Akhriso]

Madaxweynaha Maraykanka ayaa ka tacsiyeeyay askari Maraykan ah oo lagu diley weerar ka dhacay meel u dhow degmada Jamaame ee gobolka Jubbada Hoose, waxaa sidoo kale halkaas lagu dhaawacay askar Maraykan ah iyo kuwa Soomaali ah.

Trump oo bartiisa Twitter-ka wax kusoo qorey ayaa yiri “Waan la murugoonayaa, waanan u duceynayaa qoysaska ay ka baxeen askariga lagu dilay iyo kuwa lagu dhaawacay Soomaaliya. Runtii waa geesiyaal”.

Askariga ayaa lagu dilay weerar looga shakinsayahy in ay geysteen dagaalyahanada al-shabab ee koonfurta Soomaaliya, sidaasi waxaa sheegay saraakisha ciidamada Mareykanka.

Afar kale oo ka tirsan ciidamada Mareykanka iyo askari soomaali ah ayaa sidoo kale lagu dhaawacay weerarka oo ka dhacay meel u dhow magaalada Jamaame, intaasi ayay raciyeen saraakiisha ciidamada difaaca ee Mareykanka.

Ciidamada Mareykanka iyo kuwa Soomaalida ayaa si wada jir ah u fulinayay hawlgalka.

Waa askarigii ugu horeeyay ee Mareykan ah ee la shaaciyo dhimashadiisa tan iyo markii weerar gaadma ah ee ka dhacay dalka Niger bishii October, sida uu sheegay wargeyska New York Times.

Milatariga Mareykanka ayaa sheegaya in ciidamadooda ay gacan ka siiyaan ciidamada Soomaaliya hawlgallada ay fuliyaan.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON