Xildhibaanada laba gole ee Beesha H/Gidir ayaa wada olole ay culeys ku saarayaan dowladda Somaaliya kadib xiisad ka dhalatay laba kiis oo ay ku lug yeesheen madax ku abtirsata beeshan.
Kulamo is daba joog ah oo siyaasiyiin iyo xildibaanada labada gole ugu jira beesha ku yeesheen Muqdisho ayay uga hor yimaadeen qaabka loola dhaqmay hanti dhowraha guud iyo kiiska dilka wasiirkii howlaha guud Cabbaas C/lllaahi Siraaji iyo kiiska Agaasimihii guud ee Wasaaradda Warfaafinta C/risaaq Bahlaawi.
Xildhibaanadan ayaa culeys ku saaraya madaxda dowladda sida madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmajo iyo Ra’iisal wasaare si ay u joojiyaan kiisaska loo heysto labada mas’uul ee beeshooda ka tirsan.
Wara xogogaal ah ayaa sheegaya in wax tanaasul ah laga waayay Ra’iisal wasaare Kheyre oo beeshiisa ay culeys ku saartay arrintan, halka madaxweyne Farmaajo isna uu diiday inuu wax gorgortan ah ka galo arrimaha taagan.
Goobjooge.com