Monday, June 23, 2025

Madaxweyne Farmaajo oo Faragelin ku sameeyay Guddoomiye degmo oo xilka laga qaaday [Maxaa dhacay? -Akhriso]

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa faragelin ku sameeyay xil ka qaadis lagu sameeyay guddoomiye oo ka tirsan Gobolka Banaadir, isagoo amray in xilkiisa lagu soo celiyo.

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa 31-kii bishan guddoomiye  cusub u magacaabay degmada C/casiis ee magalada Muqdisho [Akhriso warkan], iyadoo sidaasi uu xilkiisii ku waayey guddoomiyihii hore ee degmadaasi Sharma’arke Maxamed Ladane.

Xogta ay heleyso Goobjooge ayaa sheegeysa in xildhibaano iyo odayaal ka tirsan Beesha uu kasoo jeedo Guddoomiyaha xilka laga qaaday ee C/casiis ay madaxweyne Farmaajo dacwad ugu tageen, iyagoo u sheegay in Beeshooda ay hal guddoomiye ku lahayd degmooyinka G/Banaadir, kaasoo si geesinimo leh uu ku magacaabay guddoomiyihii hore Taabit Cabdi Maxamed, ayna suuragal ahayn in isagiina xilka laga qaado.

Ad

Madaxweyne Farmaajo ayaa markaas kadib u yeeray madaxda maamulka Gobolka Banaadir isagoo ku amray inay  waxba kama jiraan tahay xil ka qaadistii lagu sameeyay Guddoomiyaha degmada C/casiis, kana laabtaan magacaabidii hore.

Arrintan ayaa keenay in Guddoomiyaha G/Banaadir uu dib uga laabto magacaabidii guddoomiyihii cusub ee loo magacaabay degmada C/casiis, iyadoo xilkiisal oo daayey guddoomiyaheedii  Sharma’arke Maxamed Ladane, waxaana Guddoomiyihii cusnaa ee Ismaaciil Mukhtaar Cumar loo magacaabay degmada Xamar jajab, waana magacaabidii labaad ee hal qof muddo toddobaad gudihiis ah loo magacaabo laba degmo.

HOOS KA AKHRISO WAREEGTOOYINKA

Magacaabidii koowaad
Magacaabidii labaad
Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON