Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ku soo jeeda magaalada Muqdisho, kadib markii uu socdaal ku soo kala bixiyey dalalka Burundi iyo Jabuuti oo ay ciidamo ka joogaan dalka Soomaaliya.
Madaxweyne Farmaajo ayaa la sheegay inuusan u socon dalka Itoobiya, sida ayaa faafiyeen warbaahinta qaarkeed iyadoo la sheegay in wadahadal uu Addis ababa kula yeelanayo madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.
Wararka laga helay mangaalada Jabuuti aya sheegay inuu socon waayay qorshihii ay Itoobiya waday ee ku saabsanaa kulanka Farmaajo iyo Muuse Biixi ee Addis ababa, kadib markii ay ka hor yimaadeen caqabado dhowr ah.
Madaxweyne Farmaajo iyo wafdigiisa ayaa la filayaa inay kasoo degaan magaalada Muqdisho, halka wafdi uu hoggaaminayo madaxweynaha Somalland Muuse Biixi uu ka dhoofay magaalada Addis ababa.

