Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa lagu soo dhoweeyay magaalada Addis ababa, isagoo halkaasi uga qeyb galay shir madaxeedka 32aad ee Midowga Afrika.
Shirkan ayaa looga hadlayaa arrimaha qaxootiga, barakacayaasha iyo dadka dalalkooda kusoo noqonaya oo si weyn looga doodi doono, waxayna Soomaaliya ka mid tahay dalalka ugu badan ee ay dadku ku barakaceen, kana maqan yihiin qaxooti fara badan.
Wafdiga Madaxeweyne Farmajo waxaa garoonka Addis ababa ku soo dhoweysay wasiraa ka tirsan xukuumadda Itoobiya, waxaana inta uu joogo magaalada Addis uu shirar doceedyo la yeelan doonaa madaxda shirk ka qeyb galeysa.






