Tuesday, July 1, 2025

Madaxweyne Farmaajo oo sagootiyey Dhaawacyo & Meydadkii Turkiga loo qaaday & Saxafiyiinta oo laga fogeeyay… [Sawirro]

Qaar ka mida dadkii ku dhaawacmay Qaraxii weynaa ee shalay ka dhacay Ex.Kontrol Afgooye iyo meydadka laba qof oo Turki ah ayaa gooe dhoweyd loo duuliyey dalka Turkiga.

Tirada dhaawacyada la qaaday ayaa gaaraya 15 qof oo laga soo qaaday Isbitaalka Erdogan (Ex. Digfeer) ee magaalada Muqdisho, waxaana la sheegay in xaaladooda aan wax looga qaban karin magaalada Muqdisho isbitaallada ku yaalla.

Waxaa kaloo dalka Turkiga loo qaaday laba muwaadin oo Turki ah, kuwaasoo shalay ku dhintay qaraxii Ex. Kontrol Afgooye, iyadoo ka mid ahaa shaqaalaha shirkadda Turkiga ee dhiseysa Wadadda isku xirta Muqdisho iyo Afgooye.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulalahi Farmaajo ayaa tegay Garoonka Diyaaradaha Adan-Cadde ee Magaalada Muqdisho, isagoo ka qeyb galay sagootinta meydadka Turkiga ee dalkooda lagu celinayo iyo Dhaawacyada loo qaadayo dalkaasi.

Ciidamada Madaxtooyada ayaa saxafiyiinta ka hor istaagay inay muuqaallo ka qaadaan madaxweyne Farmaajo inta uu ka qeybgalayey sagootinta meydadka labada qof ee Turkiga ah, kuna sugnaa garoonka; iyadoo duco kooban loogu sameeyay diyaaradda markii la saaray.

Dowladda Turkiga ayaa ahayd dowladii ugu horeysay ee soo dirta gurmad caafimaad iyo dhaqaatiir, iyadoo dhaawacyada darran siineysa gargaar caafimaad oo lagu daweynayo dalkeeda.

Image may contain: 1 person
Image may contain: 2 people
Image may contain: 11 people
Image may contain: 1 person, outdoor
No photo description available.
Image may contain: 10 people, people standing and suit
Image may contain: one or more people, suit and indoor
Image may contain: 2 people
Image may contain: 7 people

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON