Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dadka magaalada Muqdisho u diray codsi ku saabsan xaaladda Doorashada iyo magaalada oo la xiri doono muddo laba maalmood ka badan.
Qoraal uu soo dhigay bartiisa twitterka ayuu dadweynaha magaalada Muqdisho ku weydiistay inay ku sabtaan wadooyinka la xirayo oo ay keentay amniga doorashada iyo si looga hortago caddowga nabad-diidka ah.
Waxaan waydiisanayna shacabka Muqdisho inay u sabraan wadooyinka xiiran, aminga doorashada lasugayo owgeed ugana hortagno kuwa nabad-diidkaa
— H.E. Hassan Sheikh (@HEhassansheikh) February 5, 2017
Magaalada Muqdisho ayaa caan ku in la xiro xilliyada ay madaxda caalamiga ah booqashada ku tagaan iyo xilliyada ay jiraan dhacdooyinka waaweyn, waxayna doorashadu ka mid tahay xaaladaha keena in dhadhaqaaq magaalada oo dhan la joojiyo oo malaayiin qof ay ku shaqo iyo waxbarasho beelaan.
Alshabaab ayaa ku hanjabtay inay kordhin doonto weerarada ay ka geysato magaalada Muqdisho sida uu sheegay waaliga u qaabilsan Gobolka Banaadir.
Goobjooge.com