Thursday, May 2, 2024

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Digniin Culus u diray Siciid Deni iyo Khilaaf soo shaac baxay

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxweynaha Puntland uga digay inuu qabto doorasho aan raali laga ahayn, isagoo Siciid Deni ugu baaqay inuusan ka tallaabsan rabitaanka dadka Puntland.

Isagoo ka hadlayay Salaada Jimcaha kadib masjidka Madaxtooyada Soomaaliya ayuu si kulul u dhaliilay qabaka uu madaxweynaha Puntland Siciid Deni u wado doorashada, wuxuuna caddeeyay in wixii Puntland ay 24 sano soo dhiseysay ay suuragal tahay in 24 maalmood lagu dumiyo.

“Dadka haddaanay raali ka hayn ma mareyso doorasho qof iyo cod ah oo aanay raali ka ahayn, siyaasiyiinta iyo maamulka talada haya maanta ayaan leeyahay ka jooga ha yeelina..:” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh oo si toos farriintaan ugu diray Madaxweynaha Puntland.

Ad

Khilaafka Puntland iyo dowladda Federaalka ayaa bilowday Janaayo 2023 markii maamulka Puntland uu shaaciyay inuu xiriirka u jaray dowladda Federaalka, isla markaana u dhaqmayo si da dowlad madax bannaan.

Dhowaan ayey ahayd markii Madaxweyne Xasan Sheekh uu fagaare ka seegay inuusan sheegi karin wax cad oo Puntland iyo Dowladda Federaalka isku khilaafsan yihiin, balse waxay hadda xaaladu gaartay heerkii ugu sareeyay.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON