Thursday, June 26, 2025

Magaalooyinka ay adag tahay in Doorashada 2021 lagu qabto oo sii kordhaya (2 magaalo oo Qarka u saaran..)

Waxaa sii kordhaya walaaca laga qabo suuragalnimada in doorashada 2021 lagu qabto magaalooyinka loo asteeyay inay ka dhacdo Doorashada, sida uu dhigayo Heshiiskii Doorashada ee madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo madaxda maamul Goboleedyada.

Magaalo madaxda Gobolka Gedo ee Garbahaarey ayaa ah magaalo siyaasad ahaan iyo ciidan ahaan ay isku heystaan maamulka Jubbaland ee uu hoggaamiyo Axmed Madoobe iyo dowladda Federaalka, waana caqabada ugu weyn ee hortaagan in la aado doorasho la isku raacsan yahay, taasoo dib u dhac ku keentay fulinta heshiiska Doorashada.

Magaalooyinka Beledweyne iyo Baraawe ayaa kusoo kordhay magaalooyinka ay sii adkaaneyso inay ka dhacdo doorashada 2021, iyadoo ay heystaan xaalado amni iyo siyaasadeed oo kala duwan, kuwaasoo keenay inay cabsi ka muujiyaan musharixinta xildhibaannada ee kuraastooda la geeyay magaalooyinkaasi.

Magaalada Beledweyne ayaa dowladda federaalka ku guuldarreysatay inay xal u hesho kacdoonka uu wado Jeneraal Xuud oo ka horjeeda maamulka cusub ee Hirshabeelle, waxaana xildhibaanno badan oo degaankaasi kasoo jeeda ay shaki ka qabaan in doorasho ka dhici karto magaalada Beledweyne.

Magaalada Baraawe oo xaaladeedu degan tahay siyaasad ahaan dhinac kale cabsi laga qabaa weerarro ay ku qaado Alshabaab oo faroiisimo ku aan ka fogeyn magaalada, waa magaalo dhinac hawada laga tago oo go’doonsan; iyadoo ay hadda sii kordheyso amni ahaan cabsida doorasho lagu qabto magaalada Baraawe.

Haddii dowladda Federaalka ay go’aansato in la qabto Doorasho aan la isku raacsaneyn ayaa la saadaalinayaa inay sii yaraan doonaan magaalooyinka ay ka dhici karto doorashadaasi oo ay xaalad adag ka dhalan karaan ilaa 3 magaalo oo cusub, taasoo xaaladda uga sii dareysa.

Arrimahan waxay dib u soo celinayaan dooda ku saabsan in wax laga bedelo heshiiskii Doorashada 17-ka September, taasoo ay soo jeediyeen Musharixiinta Mucaaradka in caasimadaha dowlad Goboleedyada kaliya lagu qabto Doorashada, taladaas oo ay ka hor timid Beesha Caalamka.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON