Wednesday, July 2, 2025

Mahad Salaad: “Farmaajo isagoo ka careysan bannaanbaxa iyo shirka Khamiista ayuu ku baaqay..”

Xildhiban Mahad Maxamed Salaad oo ka mida Guddigii dhexdhexaadinta ee Ra’iisal wasaare Maxamed Xuseen Rooble iyo Midowga Musharixiinta ayaa ku eedeyay Farmaajo inuu shir kale ku dul furay kulan ay Khamiista yeelan lahaayeen.

“Farmaajo isagoo ka caraysan, kana cararaya Mudaharaadka maalinta Sabtiga iyo shirka Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Midowga Musharaxiinta u balansanyihiin maalinta Khamiista ayuu ku baaqay shir degdeg ah in ay isugu yimaadaan Dowlada Federaalka iyo Dowladaha Xubnaha ka ah Dowlada Federaalka maalinta Khamiista”. ayuu yiri Mahad Salaad oo ka jawaabay shirka degdeg ah ee Madaxtooyada ku dhawaaqday.

Wuxuu sheegay in Farmaajo rabo inuu isku qataaro Ciidamada iyo Shacabka bannaanbaxaya, Musharaxiinta iyo Ra’iisul Wasaaraha, Dowlad Goboleedyda iyo Beesha Caalamka, laakiin aysan meesha ka marneyn inay soo hormariyaan Mudaharaadka la qorsheeyay maalinta Sabtiga, lagana dhigo maalinta Arbacada ama Khamiista?!

Waxaa muuqata soo shaac baxaya inuusan Farmaajo raali ka ahayn shirarka Musharixiinta iyo Ra’iisal wasaaraha xukuumadda xil gaarsiinta oo markii labaad ka dhacay Muqdisho.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON