Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad ayaa kashifay sidii uu ku fashilmay shirkii ugu danbeeyay ee Hotel Decale ku dhex maray Ra’iisal wasaaraha xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble iyo Midowga Musharixiinta.
Isagoo xalay ka hadlayey barta Clubhouse oo dhalinyarro Soomaaliyeed ku kulmeen ayaa faahfaahin ka bixiyey sidii ay ku bilaabatay waanwaanta Maxamed Xuseen Rooble iyo Midowga Musharixiinta, taasoo ahayd mid si ehelnimo iyo qaraabo ahaan loo galay.
Shirkii 4-ta Maarso ayuu sheegay inuu waqti badan qaatay, ayna ugu wacneyd in Ra’iisal wasaaruhu aanu lahayn wax go’aan ah oo farriin lagu hagayey, wixii laga hadlana uu sugayey farriin ka imaaneysay Fahad Yaasiin, iyadoo uu xiriiriye u yahay Wasiiru dowlaha C/raxmaan ulmiye Xesri (C/raxman Dheere).
“Nasiib darro 9-ka sacadod ee shirku socday qofka la doodadayey Musharixiinta ama wax diidayay ma ahayn ra’iisal wasaaaha ee wuxuu ahaa wasiiro dowle (C/raxman Dheere), isagoo meesha ka akhrinayey farriimo uu soo dhiibaya Fahad Yaasiin (Agaasimaha NISA).. Nasiib darro ayey ahayd oo dadka oo dhan arkayeen.” ayuu yiri Mahad Salaad.
Wuxuu sheegay in maanta Ra’iisal wasaare Rooble la wada arkay oo laga wada qancay inuu yahay siyaasi asal ma-doorshe, oo kaliya ku dhaqma wixii ay u soo dhiibaan Farmaajo iyo Fahad, taasina waa la wada xaqiiqsaday; ayaguna ay ku qanceen.
