Sunday, June 22, 2025

Mahdi Guuleed oo ka jawaabay Arrin cabsi laga qabo inuu ku dhaqaaqo Maxamed Farmaajo

Ra’iisal wasaare ku xigeenka xukuumadda xilgaarsiinta Mahdi Maxamed Guuleed ayaa ka hadlay arrin si weyn looga hadal hayo baraha bulshada oo ku saabsan waxa ka dhaxeeya soo celinta xiriirka diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Kenya iyo Arrinta Dacwadii Badda.

Siyaasiyiin, mas’uuliyiin xilal haya iyo aqoonyahano ayaa welwel ka muujiyey in dowladda Qatar ay ku lug yeelatay dhexdhexaadinta arrintan, taasina ay keeni karto in Farmaajo ka laabto Dacwadda badda, isagoo ku bedelanaya dano siyaasadeed.

Ra’iisal wasaare ku xigeenka xukuumadda Xilgaarsiinta ayaa qoraal uu goor dhoweyd soo saaray ku sheegay inaysan waxba iska quseyn Dacwadda Badda ee Somaliya iyo Kenya oo go’aankeeda la sugayo iyo arrinta diblomaasiyadeed ee labada dal.

Ad

“Muranka badda waxaa soo afjari doonta Maxkamadda ICJ; kadib dhammeystirka dhageysigii dacwadda ee bishii Maarso 15-18, 2021. Waxaan sugeynaa xukun cadaalad ah. Xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal waa mid gooni ah” ayuu yiri Mahdi Guuleed oo ka jawaabay walaaca laga qabo arrintan.

Mahdi Guuleed oo dowlada Soomaaliya u qaabilsan Kiiska Dacwadda Badda ayaa ka mida haa mas’uuliyiiinta kulamada gaarka ah la yeelatay ergeygii dowladda Qatar u soo dirtay Soomaaliya Dr. Mutlaq Bin Majed.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON