Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed ayaa tababar u furay Guddiyada Doorashooyinka ee xukuumaddu magacawday ee qabyada ah.
Isagoo xubnaha Guddiyada Doorashada la hadlayey ayuu u sheegay in lagu soo xulay si sharci ah, isla markaana markii uu eegay CV-yadoodu uu ka arkay inay yihiin dad aqoon leh, ayna wax badan ka faa’iideysan doonaan khubaro muddo saddex maalmood ah la joogi doonta.
“Waxaa la idinka baahan yahay inuu qofku yahay karti iyo hufnaan leh, madax bannaan oo aan eexan.. xisaabtan baa idin horyaalla… shaqada aad qabaneysaan waa u madax bannaan tihiin..” ayuu yiri Mahdi Guuleed oo la hadlayey xubnaha Guddiga Doorashada ee muranka ka taagan tahay.
Ra’iisal wasaare ku ixgeenka ayaa khudbad dheer u jeediyey xubnaha Guddiyada Garsoorka, wuxuuna siiyey talooyin badan oo ku saabsan doorashada iyo shaqada laga sugayo iyo wada-shaqeyntooda, isagoo waano iyo caqli celin u jeediyey, wuxuuna u sheegay inay kasbadaan quluubta musharixiinta.


