14 Musharax Madaxweynaha war-saxaafadeed ay soo saareen uga dalbaday maamullada Puntland iyo Jubbaland inay bedelaam xubnaha ay u soo madacaabeen Guddiyada Doorashada heer Federaal iyo Guddiga Xalinta khilaafaadka.
War-saxaafadeedka ayey ku sheegeen inay baaritaan ay sameeyeen xubnahaasi ay ku ogaadeen in xubnaha ay Puntland iyo Jubbaland u soo magacaabeen guddiyadaas oo ah min 4 xubnood ay ku jiraan xubno ka tirsan shaqaalaha rayidka maamuladaas, iyagoo ugu baaqay Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland inay dib u eegis ku sameeyaan, isla markaana ay bedelaan xubnaha shaqaalaha rayidka ee ku jira labada Guddi.
Arrintan ayaa la sheegay inay ka mid tahay qorshe ay isla ogyihiin labada dhinac oo qeyb ka ah cadaadis dowladda Federaalka lagu saarayo inay isbedel ku smaeyso Guddiyadan marka ay xubnahooda la noqdaan Puntland iyo Jubbland.

HOOS KA AKHRISO QORAALKA
