Ra’iisal wasaare ku xigeenka Mahdi Maxamed Guuleed ayaa u jawaabay farriin uu soo diray Ra’iisal wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre oo ka mi ahaa musharixiin ka hor yimid magacaabidda Guddiyada Doorashada Heer Federaal.
“Waxa aan aad ula yaabay qoraal sida la sheegay ka soo baxay mas’uuliyiin ku isman murashaxiinta Madaxweynaha ee doorashada 2020/21. Qoraalkaas oo lagu duraayo Guddiyada Doorashooyinka, waxaa ka muuqday kalsooni-darro, quus iyo niyadjab…” ayuu yiri qoraalkiisa ku yiri Mahdi Guuleed oo daqiiqado kadib ka daba qaatay arriinta Kherye.
Wuxuu difaacay Guddiyada Doorashada ee ay magacaabeen, wuxuuna sheegay inay la mid yihiin kuwii ay magacawday dowladii hore. ” Waxa aan garan waayay faraqa u dhaxeeya Guddigii Doorashada heer Federaal iyo Somaliland ee 2016 iyo kuwa 2020 oo ay labadaba kasoo dhex muuqdeen wiilal iyo gabdho Soomaaliyeed oo labada xafiis u kala shaqayn jiray ama shaqeeya.Miyaanu arrinku ahayn “Hal” diiddani geed ay ku xoqoto ma waydo? Mise waa hawraartii Soomaaliyeed ee marka “Geela” loo heeso uu raggu “Gorayada” u heesi jiray?“Wallee ina ragow talo adduun, taada uun ma’ aha”.
Akhriso warka Xasan Kheyre
