Mareykanka iyo Midowga Yurub ayaa qoraallo kala gaara kasoo saaray ka noqoshadii Muddo kororsiga Madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Aqalka hoose ee Baarlamaanka.
Qoraal ay barta twitter-ka soo dhigtay Safaaradda Maraykanka ee Soomaaliya ayey ku soo dhoweysay go’aanadii Farmaajo iyo Golaha Shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya, waxaana baaq loogu diray madaxda Sooomaalida..
“Waxaan soo dhaweyneynaa ficillada maanta ay qaadeen madaxweyne Farmaajo iyo Golaha Shacabka. Waxaan sidoo kale soo dhawaynaynaa doorka ra’iisal wasaare Rooble uu ku leedahay hirgelinta doorashooyinka Soomaaliya, waana in Doorashada loo qabto sida dhaqsiyaha badan ee ugu macquulsan..” ayaa lagu yiri qoraalka safaaradda Mareykanka.
Dhinaca kale Midowga Yurub ayaa soo showeeyay warka uu shaaciyey Farmaajo. “Hadda ma jiri doono shuruudo hordhac ah, qas iyo qalalaase. Rooble waa inuu ku tiirsanaadaa taageerada wax ku oolka ah ee dhammaan madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada iyo siyaasiyiinta kale hannanka geeddi-socodka ay Soomaalidu hoggaamineyso” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxya wakiilka Midowga Yurub ee Somaaliya Nicholas Berlanga.
