Mareykanka ayaa baaq degdeg u diray madaxda dowlada Federaalka iyo maamul Goboleedyada dalka, kana dalbaday inay degdeg shir u yeeshaan.
“Waqtigu waa sii dhammaanayaa. Waxaan ku boorineyna hoggamiyeyaasha dowladda Federaalka iyo Maamul Goboleedyada inay hadda kulmaan oo ay ku dhaqaaqaan waxa danta ugu jirto dadka Soomaaliyeed, ayna soo gabgabeeyaan Doorashadan..” ayaa lagu yiri warka kaso baxay Safaaradda Mareykanka ee Muqdisho.
Farriinta degdega ah ee ka timid Mareykanka ayaa ka danbeysay War-saxaafadeedkii kasoo baxay maanta Beesha Caalamka oo lagu soo dhoweeyay shirarkii dhex maray Ra’iisal wasaare Rooble iyo Musharixiinta Madaxweynaha, looguna baaqay madaxda dowladda iyo maamul Goboleedka in la qabto shirkii gagabada Heshiiska Doorashada.
