Dowladda Marykanka ayaa soo dhoweysay heshiiska Xukuumadda Somalia iyo kooxda Ahlu suna ee laga gaaray khilaafkii ka taagnaa maamul u sameynta Galmudug.
Qoraal uu soo saarat Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Donald Y. Yamamoto ayaa lagu sheegay in Mareykanka uu taagaareyo, isla markaana hubinayo hirgelinta heshiiskan oo Ahlu suna loo ogolaaday inay soo xusho 20 xildhibaan oo ka mida 89-ka xildhibaan ee Baarlamaanka Galmudug.
Wararka ayaa sheegaya in beesha caalamka oo ay ugu horeeyaan Mareykanka iyo Midowga Yurub ay heshiiska dowladda Somalia iyo Ahlu suna ka dambeeyeen markii ay labada dhinac culeys saareen.
HOOS KA AKHRISO QORAALKA SAFIIRKA MAREYKANKA
Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya, Amb. Donald Y. Yamamoto wuxuu soo dhaweynayaa heshiiskii ay wada gaareen Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo hoggaanka Ahlu Sunna Waljama’a (ASWJ). Dowladda Mareykanka waxaa ka go’an inay taageerto dadaalladan isla markaana ay hubiso hirgelintooda si Soomaaliya loo gaarsiiyo nabad iyo xasillooni.
Mareykanka wuxuu bogaadinayaa gorgortamayaasha howsha adag qabtay si loo gaaro heshiis loo wada dhan yahay kaas oo sugaya xasilloonida iyo barwaaqada dowlad-goboleedka Galmudug oo saf muhiim ah ooga jirto dadaalkeenna isku jirka ah ee lagula dagaallamayo al-Shabaab.
Waxaan aqoonsan nahay dadaallada dib-u-heshiisiinta ee ka jiro dalka oo dhan iyo sidoo kale tanaasulka adag ee ay sameeyeen labada dhinac ee ku saabsan qaabka doorashada iyo qaybsiga wakiilnimada baarlamaanka, waxaanna dhiirigelineynaa hirgelinta heshiiska.
Galmudug waa gobol muhiim u ah horumarka mustaqbalka Soomaaliya, Safaaradda Mareykanka waxaa ka go’an fududeynta gargaarka bini’aadminimo, kaalmada amniga, iyo horumarka dhaqaale ee dadka reer Galmudug.