Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo axaddii booqasho rasmi ah ku tagay caasimadda Masar ee Qaahira, ayaa madaxtooyada shir kula qaatey dhiggiisa Masar Cabdifitaax Al-sisi.
Madaxweynaha Masar Cabdifitaax Al-sisi, waxaa uu ka hadlay sida dalkiisa uga go’an tahay maalgashi in ay ku sameystaan Soomaaliya gaar ahaan Kaluunka iyo xoolaha isaga oo soo jeediyay in sanadkan inta ka dhiman ay booqashooyin heer wasiirro ah dhacaan si loo hirgeliyo iskaashi dhaqan, dhaqaale.
Madaxweynaha Masar ayaa sheegay inuu soo xoojinayo taageerada dowladda Soomaaliyeed ee Federaalka ah, midnimada iyo qaranimada Soomaaliya, waxayna Masar hadda xubin ka tahay Golaha Ammaanka ee Q/Midoobay, Golaha Ammaanka Midowga Afrika iyo golayaal kale.
Dhowaanahan waxaa dalka Masar tegay wasiro iyo saraakiil ka tirsan dowladda Soomaaliya, waxaana ka mid ahaa taliyaha ciidamada Xoogga Jen. Axmed Maxamed Jimcaale (Cirfiid) iyadoo labada dal ee Masar iyo Soomaaliya ay kala saxiixdeen heshiis iyo iskaashi milateri si looga hortago argagixisada
Madaxweyne. Farmaajo waxaa uu Masaarida ku ammaaney kaalintooda ku aadan sida ay Soomaaliya uga taageeraan in ay mar kale dib ugu soo noqoto beesha caalamka.
Madaxweynaha Masar waxaa uu ugu dambeyntii hoosta ka xariiqay in Masaarida ay taageerayaan Soomaaliya oo federal ah oo mideysan, isaga oo ballan-qaadey in ay ka faa’ideysan doonaan xubinimadooda golaha ammaanka ee qaramada midoobey iyo kan Afrika.