Musharixiintii ugu danbeysay ee tartanka Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya ayaa maanta is diiwaan geliyay, iyadooay ka mid yihiin musharixiin caan ah iyo kuwo cusub.
Musharixiinta maanta is-diiwaan geliyey ee ka qeyb galaya tartanka Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya 2022, waxaa ka mida:
1- Siciid C/llaahi Deni
2- Zakariye Maxamuud Xaaji Cabdi
3- Maxamed Amiin Faarax
4- Cismaan Xasan Weheliye (Xasan Bariise)
5- Cabdi Cali Xasan
6- Taabit Cabdi Maxamed
7- Maxamed Cabdiraxmaan Cali (Siiriin)
8-
Tirada Musharixiinta ee maanta is diiwaan gelineysa ayaa weli socota, balse ka yar sidii shalay, taasoo ay ugu wacan tahay inay tiro badan is-diiwaangeliyeen, waxayna hadda tirada musharixiinta sida rasmiga ah ugu taagan xilka madaxweynaha Soomaaliya gaartey 39 musharax.
Doorashada Madaxweynaha ayaa lagu wadaa inay 15-ka May 2022 ka dhacdo magaalada Muqdisho, gaar ahaan xarunta Afisyoone ee ciidamada ATMIS ee Midowga Afrika maamulaan.