Monday, June 23, 2025

Maxaa baajiyey kulankii Guddiga joogtada Baarlamaanka la yeelan lahaa Wasiirka Amniga & Hay’adaha Amniga?

Waxaa maanta baaqday kulan ay Guddiga Joogtada Golaha Shacabka la yeelan lahaaWasiirka Amniga iyo Masuuliyiinta Hay’addaha Amniga, markii ay ka hor yimaadeen qaar ka mida xildhibaannada Guddiga joogtada ah.

Wasiirka Amniga Maxamed Abuukar Islow waxaa wehliyey Taliyaha ciidamada Booliska Booliska Jen. Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar) iyo Taliyaha Hay’adda Socdaalka Maxamed Aadan Jimcaale (Koofi), waxaana loogu yeeray su’aalo ku saabsan Amniga oo ka yimid qaar ka mida xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka.

Wararka ayaa sheegaya markii xildhibaannada Guddiga joogtada ah ay isku mari waayeen qaabka loo qaabilayo Wasiirka iyo hay’adaha amniga in dib loo dhigay, kadib codsi ka yimid qaar ka mida Xildhibaanada Guddiga joogtada ee Golaha shacabka; waxaana halkaasi ka laabtay Wasiirka iyo mas’uuliyiintii la socday.

Ad
Image may contain: 4 people, people sitting, table and indoor
Image may contain: 2 people, people sitting and indoor
Image may contain: 5 people, people smiling, people sitting and indoor

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON