Shir is daba joogah oo u socda madaxda maamul Goboleedyada, Beesha Calaamka iyo Midowga Musharixiinta Madaxweynaha ayaa weli socda, iyadoo rajo laga muujiyey heerka ay soo gaareen wadaadallada.
Madaxweynayaasha saddex maamul Goboleed ee Galmudug, Hirshabeelle iyo K/Galbeed ayaa xalay kulan la yeeshay Madaxweynaha xilkiisu dhammaaday ee Maxamed C/llaahi Farmaajo, iyagoo la wadaagay horumarka laga gaaray shirarka socda iyo tallaabooyinka dhinaciisa looga baahan yahay inuu qaado.
Wararka ayaa sheegaya in caqabadda ugu weyn ee dhex taalla Farmaajo iyo madaxda ka horjeeda ee Puntland iyo Jubbaland ay tahay kalsooni darro ka dhalatay hab-dhaqanka Maxamed Farmaajo kadib 19-kii Febraayo, iyadoo la isku waafaqay in la qabto shirkii dib udhaca ku yimid.
Markii shuruudihii ay wateen madaxweynayaasha degan Xalane horumar laga gaaray ayaa waxaa harsan qodobo uu ka mid yahay dhinaca amniga, wuxuuna Farmaajo ku dhegan yahay inuu ilaaladiisa la tegayo goobta shirka, taasoo keenay in laga fekero in shirku furmo, iyadoo aanu ka qeybgelin Farmaajo, balse uu dowladda uga qeyb galo Ra’iisal wasaaraha xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble.
Axmed Qoorqoor, C/casiis Lafta-gareen iyo Cali Guudlaawe oo taageerayey Maxamed Farmaajo ayaa hadda isu bedeley waanwaan wadayaal raadinaya inay ku qanciyaan xal laga gaaro Doorashada, iyagoo si weyn uga horjeeda muddo kororsiga looga shakiyey inuu ka socdo Golaha Shacabka.
Dhinaca kale Beesha Caalamka ayaa qeyb ka ah shirarka socda, iyadoo xiriiro toos ah la sameysay madaxda dowladda Federaalka, una caddeysay inaysan u furneyn wado kale oo aan ahayn Doorasho.