Monday, January 17, 2022

Maxaa ka jira in Alshabaab Qarixii Is-miidaaminta ee Gaalkacyo ula dan lahayd Ra’iisal Wasaare Rooble..?

Alshabaab ayaa sheegatay mas’uuliyada qarixii is-miidaaminta ahaa ee galabta ka dhacay magaalada Gaalkacyo, kaasoo lala beegsaday bar koontarool oo laga ilaalinayey Garoon lagu waday in lagu soo dhoweeyo Ra’iisal wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

War kasoo baxay Alshabaab oo lagu faafiyey warbaahinta hoos tagta ayaa lagu sheegay in Nin ka midaa kooxda oo is-miidaamiye ah uu beegsaday isku imaatin ay ku sugnaayeen saraakiil sarsare, qaraxuna ku wajahnaa Ra’iisal wsaaraha dowladda Federaalka, balse lagu laayey saraakiil muhiim u ahaa dowladda Federaalka iyo maamulka Galmudug.

Qaraxa oo qasaare badan geystay ayaa waxaa ku dhintay Mas’uuliyiin iyo sarkaal ka tirsan ciidamada dowladda iyo shacab kale, waxaana xaalad ciidan gashay magaalada Gaalkacyo, gaar ahaan dhinaceeda Koonfurta ee Galmudug ka taliso.

Ad

Wararka ayaa sheegaya in Qaraxa uu dhacay intii aanay kolonyada Ra’iisul Wasaaraha gaarin Garoonka, iyadoo loo diyar garoobayey inuu halkaasi tago Ra’iisal wasaaraha.

AKHRISO: Magacyada saraakiisha & Mas’uuliyiinta lagu dilay Qarixii is-midaaminta ahaa ee Gaalkacyo

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

160,867FansLike
2,534FollowersFollow
5,936FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

160,867FansLike
2,534FollowersFollow
5,936FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON

error: Content is protected !!