Monday, June 23, 2025

Maxaa ka jira in Dowladda Qatar ku qancineyso Farmaajo inuu isaga haro Doorashada, kana dego xilka..?

Waxaa sii kordhaya dadaalka iyo galaangalka ay dowladda Qatar ugu jirto arrimaha Soomaaliya, kadib markii ay ergey gaara usoo dirtay Soomaaliya, kaasoo kulamo kala gaara la yeelanaya dhinacyada Soomaalida.

Dowladda Qatar oo gacansaar la lahayd dowladii Farmaajo ayaa dhowaan bedeshay siyaasadeeda Soomaaliya, waxaana arrinta Soomaaliya loo celiyey Wasaaradda Arrinaha dibadda, iyadoo markii hore ahayd mid ay si gaara u maamulaan Amiiro hoostaga Xafiiska looga taliyo dalkaasi, waxaana meesha ka baxaya kaalintii xiriirinta ee dalkaasi u soo mari jiray Fahad Yaasiin (Agaasimaha NISA), marka ay timaado xaaladda Soomaaliya.

Ergeyga dowladda Qatar ee hadda ku sugan Muqdisho Dr. Mutlaq bin Majid Al-Qahtani ayaa Warqad qoraal ah oo uu ka siday Amiirka Sheikh Tamim bin Hamad Al Thani u gudbiyey Madaxweynaha xilkiisu dhammaaday ee Maxamed Cabdalla Farmaajo, waxaana isla xalay uu Farmaajo telefoon u diray Amiirka Qatar oo ay ka wadahadleen isbadalada siyaasadeed ee ka socda Soomaaliya iyo muhiimada ay leedahay in la gaaro dib u heshiisiin qaran si loo gaaro xasilooni ka dhalata dalka.

Ad

Wararka soo baxaya ayaa sheegaya in dowladda Qatar uu qorshaheeda hadda ka mid yahay inay Maxamed Farmaajo ku qanciso inuu banneeyo xilka, isla markaana aanu is sharxin doorshada soo socota si xal kama denbeys ah loogu helo is mari waagga ka taagan Doorashada Soomaaliya.

Arrintan oo aan la ogeyn inay shaqeyn doonto ayaa wararka la helayo sheegeen in qorshaha cusub ee dowladda Qatar uu yimid markii uu cadaadis saaray Mareykanka, isla markaana ay xaqiiqsatay inay soo dhammaaday rajadii dib u soo laabashada Farmaajo.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON