Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa la sheegay inuu Itoobiya u ogolaaday saldhig ciidamadeeda Badda ku yeeshaan mid ka mida magaalo xeebeedyada Soomaaliya.
Arrintan ayaa la sheegay in si hoose looga hadlay kulankii saddex geesoodka ahaa ee 12-kii bishaan November hoggaamiyeyaasha dalalka Itoobiya, Eritrea iyo Somalia ku yeesheen magaalada Bhar Dar ee dalka Itoobiya ayaa qeyb ka ah iskaashiga cusub iyo isbaheysiga saddexda dal.
Itoobiya ayaa la sheegay inay codsatay in saldhig milateri laga siiyo magaalada Marko ee xarunta Gobolka Sh/hoose, iyadoo laga wadahadlay suuragalnimada arrintan ayaa warar qaar ay sheegayaan in ogolaansho hordhac ah uu bixiyey madaxweyne Farmaajo.
Ma jiro cid xaqiijisay warkan oo ka mida saddexda dal ee Somalia, Itoobiya iyo Eritrea, waxaana shaki weyn laga muujiyey isbaheysigan iyadoo saddexda hoggaamiye ayey shirar gaara oo muddo dheer qaatay ay yeesheen.
Itoobiya ayaa wada qorshe ay dib u habeyn weyn ku sameyneyso ciidamadeeda Badda, iyadoo ah dal aan bad lahayn, waxaana la is weydiinayey halka saldhigga u noqon doonta ciidamadaasi.