Monday, June 23, 2025

Maxaa kasoo baxay kulamadii dhex maray Madaxweyne Farmaajo, Cali Guudlaawe iyo Ugaaska Xawaadle..?

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa magaalada Muqdisho ugu yeeray Ugaaska Beesha Xawaadle Ugaas Xasan Ugaas Khaliif si uu arrimaha maamulka Hirshabeelle ugala hadlo.

Ugaaska oo aqbalay casuumaadda Madaxeyne Farmaajo ayaa toddobaadkii hore soo gaaray Muqdisho, wuxuna kulamo aan la shaacin la yeeshay madaxeyne Farmaajo, iyagoo ka wadahadlay xaaladda maamul u sameynta Gobolka Hiiraan iyo Qorshaha dowlada Soomaaliya.

Wararka ayaa sheegaya in Ugaaska aanu wax go’aan ah qaadin, balse uu sheegay inuu Muqdisho u yimid inuu dhageysto madaxda dowladda, kadibna uu dib ula laaban doono, waxaana Madaxweyne Farmaajo isku dayey in Ugaaska ku qanciyo taageeada dhismaha maamulka labaad ee Hirshabeelle iyo in doorasho lagu tartamo ka dhacdo xarunta Jowhar.

Ad

Kulan kale ayaa xalay dhex maray Ugaas Xasan iyo Musharaxa Madaxweynaha Hirshabelle Cali C/llaahi Guudlaawe, kulankaasoo oo la sheegay inuu ahaa kala war qaadasho iyo wadahadal ku saabsan Doorashada Hirsahbeelle, balse aan wax go’aan ah lagu gaarin.

Waxaa magaalada Mudisho ku sugan Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka waqtigoodu dhammaanayo ee Maamulka Hirshabeelle, iyadoo aan weli xal loo helin qaabka ay doorashada maamulkaasi u dhaceyso, waxaana qeylo dhaanta ugu weyn kasoo yeertay Beesha Xawaadle loo ku dhegan inay si gaara u leedahay xilka Madaxweynaha.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON